somaliland.net

Home | Search Options | Place an Ad | Modify an Ad | New Ads

Top : Announcements-Ogaysiis

Announcements-Ogaysiis

Ads:

Title:

Ogaysiis: Jaaliyadaha Somaliland ee Sweden

Posted:

26-Oct-2008

Telephone:

none

Web Site:

Home Page http://

Contact:

Send Email Zakaria Hassan Waceys

Description:

Somaliland Riksförbundet i Sverige

Wargalin!
Bismi Laahi Raxmaani Raxiim, Salaamu calaykum

Waxa aan aad uga xunahay duruufo badan awgood in shir sanadeed keenii dib u dhac ku yimi, hayeeshee intaaba uu maamulku ku hawlanaa kobcinta iyo horumarinta ururka maamul ahaan iyo shaqo ahaan.
Shir sannadeedkan waxa ka cod ku yeelan doona oo keliya Jaaliyadaha xubnaha ka ah, waana kuwa bixiyey xubinadii sannadkii 2007, sidoo kale waxa kasoo qayb geli kara dhamaan jaaliyadaha xiisaynaya in ay ka mid noqdaan dalada guud ee Jaaliyadaha Somaliland ee Sweden, waxana shuruud ah in uu bixiyo xubinimada Jaaliyada oo dhan SEK 150 sannadkii iyo qof kasta oo xubin ka ah jaaliyadaas oo laga bixiyo SEK 1 .
Shir sannadeedka SLRF waxa la qabanayaa haddii Alle idmo 2008-11-07 saacada 16:00 Galabnimo iyo xarunta Jaaliyada Somaliland ee Uppsala.
Shirka waxa lagu dooran doonaa Guddida cusub ee hagi doonta mustaqbalka ururka.

Alla mahad leh
Guddoomiyaha
Zakaria Hassan Waceys

Title:

Meher:Hodan Abdillahi Jaamac iyo Ahmed Abdi Cumaar

Posted:

20-Sep-2006

Telephone:

0

Web Site:

Home Page

Contact:

Send Email M Jama

Description:

Abdirahman Jaamac iyo xaaskiisa Kaltum Dahir iyo caruurtooda, Mohammed, Mahamood, Ahmed, Yusuf, Khadija, Fadumo iyo Dahir. Yasiin Mohammed Jaamac iyo Ibrahim Mohammed Muse, waxay hambalyo u dirayaan Hodan Abdillahi Jaamac iyo Ahmed Abdi Cumaar oo dhawaan meherkoodii ka dhacay magalad Kas Al Khaima ee U.A.E.

Title:

MONEY TO LEND

Posted:

25-Sep-2006

Telephone:

nil

Web Site:

Home Page

Contact:

Send Email Alice Bush

Description:

I Mrs Alice Bush an loan agent from the Future View Finances Plc.My firm offer you an loan at 0.5% monthly and 6% interests rate per annual(yearly).I am only interested in person[s] and Firm[s] who are serious and has no fraudulent act.If you are such person,Contact me Via Email:-alice_bush2006@yahoo.co.uk

Title:

Second Nordic Horn of Africa Conference

Posted:

26-Oct-2008

Telephone:

none

Web Site:

Home Page http://www.hornconference.com/

Contact:

Send Email Ilham

Description:



Crossing Boundaries:

Actors and Interactions on the Horn of Africa and in the Diaspora

31.oct - 01.nov.2008

Norway, Oslo

Click Here for more informations.

Title:

Shir Guddoonka Golaha Wakiiladda oo la Kulmaya Jaaliyadda Somaliland Wales

Posted:

5-Nov-2006

Telephone:

07974120862

Web Site:

Home Page

Contact:

Send Email Cabdikariim Cabdi Aadan, Agaasimaha, Jaaliyadda Somaliland

Description:

OGEYSIIS Jaaliyadda Somaliland Ee Walashka Waxa dhamaan Jaaliyadda Somaaliland ee ku nool Walashka iyo nawaxeegeeda la ogeysiinayaa in uu booqasho rasmi ah ku imanayaau magaalada kaardhif Mudane: Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi ( Cirro) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland iyo Gudoomiye ku-xigeenkiisa Mudane: Abdiasis Maxamed Samaale. Waxa dadweynaha la ogeysiinayaa in kulan lagu qaban doono: Goobata: Butetown Youth Pavilion Centre Maalinta: Salaasada Taariikhda: 7th da November 2006 Saacada: 5-8 Fiidnimo Fadlan wixii war ah ee dheeraad ah kala soo xidhidh Cadilkarim Cabdi Adan – Mobile:-0787 4120 862. Ibrahim Carab Jamac – Mobile: - 0771 155 1176 ama Axmed Xassan Arwo: - 0782 8675 333 SIDASS IYO KA SOO QAYBGAL WACAN. WALLAAHU WELIYUL TAWFIIQ MAHADSANIDIN

Title:

Dabaaldega 18-ka May ee London (Ogeysiis)

Posted:

13-May-2009

Telephone:

none

Web Site:

Home Page http://westlondonsomalilandcommunity.blogspot.com/

Contact:

Send Email SIRAG UK

Description:

Dabaaldega 18-ka May ee London (Ogeysiis) Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxuu dadwaynaha reer Somaliland ee dagan magaalada London iyo guud ahaan-ba UK ogaysiinayaa in uu qaban qaabin doono munaasibad loogu dabaal dagayo sanadguuraha 18-naad ee kasoo wareegtay markii Somaliland lasoo noqotay madax banaanideeda. Munaasibadani waxay ka dhacaysa Xaafada Greenford ee galbeedka magaalada London taariikhdu markay tahay Sabtida 16-ka May 2009, ciiwaankuna waa: Greenford Assembly Hall, Ruislip Road, Greenford, UB6 9NQ.

Munaasibadani waa munaasibad lagusoo cellinayo milgihii iyo maamuskii ay maalinta18-ka May inaga mudnayd oo barmaamijku wuxu bilaabmi doonaa saacadu markay tahay 4-ta galabnimo wuxuuna dhammaan doonaa 11-ka habeenimo.

Waa munaasibad ay taageerayaan dhammaan ururada reer Somaliland ee ka jira dalka UK oo ay ka mid yihiin: Somaliland Society UK, British Somalilanders United Group, Somaliland Womens Group, Somaliland Womens Solidartity, Togdheer Abroad foundatioon, Somaliland Society Europe iyo qaar kaloo badan.

Waxaanu halkaa kugusoo bandhiggii doona barmaamij xiisa leh oo ka hadlaya taariikhda Somaliland iyo xoojinta ahaan-shaha (identity) Somalilander-nimada.

Marti sharaf badan oo kakala socota qoomiyada Somalilanders-ka iyo kuwoo kale oo iskugu jira siyaasiyiin iyo waxgarad British ah.

Hadaba ha moogan munaasibadan qiimaha leh haddii aad rabtid inaad 18-ka may u xustid si sharaf iyo maamuus leh.

Waa innoo iyo Sabtida 16-ka May iyo Greenford Assembly Hall saacadu markay tahay 4-ta galabnimo.

WCWW,

Iid Xasan Aw Muse, Maamulaha West London Somaliland Community

Blog: http://westlondonsomalilandcommunity.blogspot.com/

Riix halkan: How to get to Greenford Assembly Room - 18th Anniversary of Somaliland Independence Day - West London Somaliland Community http://westlondonsomalilandcommunity.blogspot.com/2009/04/how-to-get-to-greenford-assembly-room.html


Next 6